W. Maaliyada PL oo Barlamaanka horkeentay miisaaniyadda 2015

Image

December 11, 2014 (GO)- Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa maanta horgeysey Golaha Barlamaanka miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2015.

Wasiirka Wasaaradda Shire Xaashi Faarax ayaa xildhibaannada u sharaxay miisaaniyaddan cusub iyo siyaabaha loo qorsheeyey isagoo dhanka kale faah faahin ka bixiyey qaabkii loogu shaqeeyey tii la ansixiyey sanadkan sii dhammaanaya ee 2014.

Shire wuxuu sheegay in miisaaniyadda 2015 noqon doonto $60, 182, 159 (lixdan milyan, boqol siddeetan iyo labo kun; boqol konton iyo sagaal).

Miisaaniyadda 2015 ayaa laban laab ka badan middii barlamaanku ansixiyey 2014 oo ahayd $29, 474, 476.83 (labaatan iyo sagaal milyan, afar boqol todobaatan iyo afar kun; afar boqol todobaatan iyo lix; dhibic sideetan iyo saddex).

Wasiirka oo taas wax laga weydiiyey wuxuu sheegay in kororka miisaaniyadda sabab u yihiin dakhliga dowladda iyo deeqaha caalamka laga filayo oo kordhay.

Kororkaan Misaaniyada ka muuqda ayaa waxaa lagu macneeyey inuu ka yimid lacago laga sugayo inuu  Bangiga Aduunka Dowlada ku kabi doono Puntland taasoo la filayo in la helo sanadka cusub waxaa kale oo lagu guul dareystey in la helo lacago Madaxweyne Gaas sheegey inuu ka helayo wadanka Turkiga, sidoo kale waxaa misaaniyada ka maqan laguna qorey inaan la helin lacago ay bixin jirtey shirkada shidaalka baarta Africa Oil taasoo dowladii Madaxweyne Farole la fulin jirtey mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha.

Shirkada Africa Oil ayaa weli haysata fasaxyada iney shidaal ka baari karto dhulka Puntland qaarkiisa halka Madaxweynaha Puntland si joogta ah ugu soo diraan diyaarada ka qaada magaalada Garowe gaysana wadanka Ethiopia halka dhinaca kale ay bixiyaan Hotelka inta uu jooga Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM