W. Qorsheynta oo wax laga weydiiyey barnaamijkii xog ururinta ee DAD

Image

December 27, 2014 (GO)- Wasaarada qorsheynta oo kamid ah wasaaradihii maanta soo bandhigay qorshahooda shaqo ee sanadka 2015 ayaa su'aalo badan laga weydiiyey arimo ay kamid ahaayeen:  hanaanka lagu ururiyo xogaha la xiriira mashaariicda horumarinta (DAD) Development Assessment Database iyo heshiisyadii lala galay Bankiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Qorsheynta Cali Axmed Faatax ayaa sheegay in markii uu xilka qabtay hannaankaasi ahayn mid shaqeynaya balse dhowaan la bilaabi doono iyadoo lala kaashanayo hay'ado caalami ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay. Mas'uuliyiin kamid ah xukuumadda Gaas oo horay ula soo shaqeeyey wasaarada xiligii dowladii hore ee Madaxweyne Farole ayaa beeniyey sheegashada Wasiir Faatax ee ah in barnaamijka DAD horay u shaqeyn jirin iyagoo sheegay in barnaamijkaasi shaqeyn jirey xiligii dowladii hore muhiimna tahay in dib loo soo celiyo sida ugu dhaqsaha badan.

Dhanka kale, Wasiirka Waxbarashada Cali Xaaji Warsame ayaa Wasaarada Qorsheynta ku eedeeyey inaysan xiriir fiican la lahayn hay'adaha lana xisaabtamin isagoo xusay inay jiraan hay'ado mashaariic badan fulin lahaa oo waayey cid qaabisha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Faatax ayaa iska fogeeyey eedeynta loosoo jeediyey wasaaradiisa isagoo xusay in si joogto ah loola xisaabtamo hay'adaha. Wasiirka Qorsheyntu wuxuu Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed Garaash ku eedeeyey inuu is hortaagey hada kahor go'aan ruqsada looga qaadi lahaa hay'ad buuxin weydey shuruudihii laga rabey.

Ugu dambeyntii waxaa wax laga weydiiyey halka uu ku dambeeyey dhaqaale 12 milyan oo doolar gaarayey oo Bankiga Horumarinta Afrika horay ugu ballan qaaday Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay in bixinta lacagtaas dib u dhac ku yimid sababtuna tahay dhaqaale yari soo wajahday Bankiga Horumarinta Afrika. Lacagta oo horay u  ahayd 12 milyan oo doolar wuxuu sheegay in laga dhigay todoba milyan welina la sugayo oo Puntland aanay soo gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM