Golaha degmadda Ufeyn oo loo doortey guddoon rasmi ah

Image
Qabashadda doorashadan ayaa ka dambeysay markii ururadda siyaasadda ay is-faham ka gaareen.

GAROWE, Puntland - Golihii deegaan ee ugu horeeyay Puntland ee ku yimaada qof iyo cod ayaa Arbacada maanta ah doortay Guddoomiyaha degmada Ufeyn iyo ku-xigeenkiisa.

Ururada Siyaasadda ee kala ah SINCAD iyo MIDEEYE ayaa kusoo baxay guddoonka Golaha deegaanka ee degmada Ufeyn. Labadan urur waxay horey ugu guuleysteen kuraasta ugu badna.

Madaxwayne Deni oo "taariikh iyo waa cusub" ku qeexay doorashadan ayaa guusha ururaddan mucaaradka ku ahaa ku sifeeyay "astaan muujineysa daahfurnaanta geedi-socodka.

"Waxaynu wadajir u gaarnay guulweyn oo ibo fur u ah hannaanka dimuqraadiyadda Puntland, rajo wanaagsana gelinaysa Shacabka Soomaaliyeed in mustaqbalka dhow loo diyaarin karo Doorasho Qof iyo Cod ah," ayuu ku qoray ciwaankiisa Facebook-ga.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhankiisa wuxuu u hambalyeeyay guusha laga gaaray hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda Puntlan.

"Maanta waa maalin taariikh u ah guud ahaan Shacab weynaha reer Puntland gaar ahaan Shacabka reer Ufayn oo doortay Guddoomiye iyo ku xigeen ku yimi codkoodii ay dhiibteen 25-Oct-2021," ayuu yiri.

Masuuliyiinta la doortay ayuu Alle uga baryey inuu u fududeeyo xilka ay qaadeen.Karaash wuxuu boggaadin, Hambalyo iyo mahadcelin u diray dhammaan dhinacyadii howshan khuseysay ee muddada ka shaqeynayay sida Shacabka, Guddiga Doorashadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ururada Siyaasadda, Ciidamada Amniga iyo Warbaahinta.

"Hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland ayaa ah tallaabo taariikhi ah oo ay ku guuleysatay Dowladda Puntland, waxayna soo nooleysay rajada dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay fursadan oo kale heli karaan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Qabashadda doorashadan ayaa ka dambeysay markii ururadda siyaasadda ay is-faham ka gaareen in si horudhac ah loo qabto doorashada saddexda degmo ee is-dabamarintu hareysay

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM