Xaafuun iyo Waaciye oo la sheegey in maamul loo dhisayo

Image

January 18, 2015 (GO)- Wasaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland ayaa sheegtey in dadaal xoogan ugu jirto sanadkan sidii goleyaal deegaan loogu sameyn lahaa degmooyinka aan lahayn goleyaasha deegaanka.

Agaasimaha guud ee wasaradda arrimaha gudaha Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo dhamayn lahaa degmooyinka maamulkoodu qabyada yahay, isagoo xusay in hadda lagu hawlan yahay dhismaha gollayaasha deegaanka Waaciye iyo Xaafuun.

Dhinaca kale waxa uu sheegay inay wadaan qorshaha lagu dhisayo gollaha deegaanka degmada Godob-jiiraan ee gobalka Nugaal, halkaasoo wali muran uu ka taagan yahay saami qaybsiga xildhibaanada.

Maxamed Cali Faarax ayaa waraysigan ku sheegay inay kormeer ku samaynayaan mashaariicdii JPLG ee ka socday degmada Qardho ee Gobalka Karkaar.

Bil kahor waxaa gole deegaan loo sameeyey degmooyinka Caluula iyo Bareeda oo labadooduba ka tirsan gobolka Gardafuu kuwaas khilaaf xoogan weli ka taagan qaabka beelaha u qabsadeen xubnaha.

Maamulada laga soo dhiso degmooyinka Puntland ayaa waxaa lagu soo xushaa qaab qabiil oo aan aheyn doorasho toos ah kuwaasoo keena in qabaa'ilka wada daga degaankaas kala sadbursadaan xulshada xubnaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM