Waan waan ka socota gobolka Sool [Dhagayso]

Image

LAASCAANO- Magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaq ku aadan sidii loo joojin lahaa dhiiga ku qubanaya deegaanka Dharkayn-geeyo ee gobolkaasi.

Gudoomiyihii hore gobolka Sool ee Puntland Axmed Ibraahin Faracade oo la hadlayay maanta Radio Garowe ayaa sheegay in magalada Laascaano uu ka socdo abaabul ku aadan joojinta colaadda, isagoona intaas ku sii daray in shalay wax-garad ay ku baxeen goobaha dagaaladu ka dhaceen.

Faracade, ayaa xusay in khilaafkan muddo soo socday islamarkaana rajaynayaan inay dhawaan soo afjaraan, isagoo intaasi raaciyay in Odayaasha labada dhinac oo kaashanaya waxgaradka gobolka ku howllanyihiin sidii looga fogaan lahaa dhiig mar kale daata.

Dagaal bishan gudaheeda ka dhacay gobolka Sool ayaa sabab dhimasho, dhaawac iyo barakac u dhaxaysa beelaha ood-wadaaga  ah.

Wararkii ugu danbeeyay aan ka helayno Dharkayn-geeyo waxay sheegayaa in dagaalo xalay halkaasi ka dhacay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM