Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo oo xariga laga jaray

Image
Jidkan ayaa muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xariga ka jaray Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo, oo la dhameeyay wejiga koowaad oo ah 1.15KM.

Jidkan oo muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada ayaa lagu dhisay si iskutashi bulsho ah oo ay maamulkiisa ka hawlgaleen Guddiga Horumarinta degmada Gaalkacayo, waxaana dhisay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bogaadiyey bulshada Gaalkacyo, Guddiga Horumarinta magaalada iyo Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco dedaalka dhaxalgal ka ah ee ay ku hirgeliyeen dhismaha Wadadaasi, taasi oo muhiim u ah horumarinta magaalada dhankasta, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in bulshadu laf-dhabar u tahay dowladnimada horumarkeeda iyo jiritaankeedaba. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM