Wadahadalkii ka socdey Garowe oo guuldaro ku dhamaadey

Image

July 14, 2015 (GO)- Wadahadalkii magaalada Garowe uga socdey dowlada federaalka, Puntland iyo Jubaland ayaa guuldaro kusoo dhamaadey kadib markii qodobadii Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid la diidey.

Kulankaan oo maanta dib la isugu soo noqdey ayaa guddiyadii ka socdey maamulka Puntland, Jubaland iyo Federaalka waxaa mid walba ku adkeysay qodobada ay soo bandhigeen.

Waftiga Ra'isal waasraha ayaa soo bandhigey in dowlada Puntland aqoonsato maamulka Gamudug oo ka koobnaan doona hal gobol iyo Bar halka ay wax ka badali doonaan Dastuurkooda oo sheeganaya degaano ka tirsan Puntland.

Dowlada Puntland ayaa dhinaceeda sheegtey ineysan sharciga waafaqsaneyn in hal gobol iyo bar loo aqoonsado maamul goboleed taasna macnaheeda noqneyso in Dastuurka federaalka gabi aantiisa meesha laga saaro.

Wararka ayaa sheegaya in waftiga Ra'isal waasaraha maalinta berri ah dib ugu noqonayaan magaalada Muqdisho iyagoo wada fariinta dowlada Puntland taasoo ku adkeysatey in Dastuurka Federaalka uu noqdo halka salka u noqn karta wadahadal la furma.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM