Wadanka Masar oo deeq waxbarsho siiyey dalka Somalia

Image

Isniin, Octeber 6,2014 [GO]- Madaxweynaha dalka Masar Cabdull Fattah al-Sisi ayaa kulan uu la qaatey Wasiirkiisa waxbarshada Maxamud Abou El Nasr  ka dalbadey in waxbarasho gaareysa 200 ardey loogu deeqo wadanka Somalia

Warkaan ayaa intaas ku daraya in dowlada dalka Masar ardeyda joogta wadankeeda ugu deeqdey 50 waxbarsho Jaamacadeed ah iyadoo loo marinayo safiirka dowlada Federaalka u fadhiya dalkaas halka 150 kalena loo gudbinayo Wasaarada Arrimaha dibbada ee dowlada Somalia.

Dowlada Federaalka oo deeqahaan kuwa lamid ah ka hesha wadamada saxiibka la ah Somalia ayaa guud ahaan waxaa la rumeysan yahay ineysan si cadaalad ugu qaybin dalka Somalia.

Dhinaca kale deeqdaan waxbarsho oo laga heley wadanka Masar ayaan la aqoon in dowlada Federaalka si cadaalad ah ugu qaybin doonto ardeyda ku nool dhamaan gobolada iyo maamulda Somaliyeed iyadoo la wada ogsoon yahay in musuqmaasuq baahsan ka jiro qaabka loo maamulo.

Dowladda Federaalka ayaa horey u diidey iney aqoonsato nidaamka waxbarsho ee maamulka Puntland taasoo sababtey inuu xumaado xiriirka u dhexeeya labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM