​Waddo xarigga laga jaray magalada Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo weheliyaan wufuudda maanta soo gaartay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari iyo maamulka degmada ayaa xarigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgaliyay magaaladaasi.

Jidkan ayaa dhererkiisu dhanyahay 2KM iyo 300M, waxaana dhaqaalaha lagu dhisay bixisay dowladda Talyaaniga iyadoo ay fulisay hay'adda UN-HABITAT.

Madaxweyne Gaas, ayaa munaasabadda furitaanka ka sheegay inuu  ku faraxsanyahay dhismaha jidkan, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu mudnaanta siinayso hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Wuxuu tilmaamay in wadadan qayb ka tahay mashaariicda lagu hormarinayo xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso, wuxuuna shacabka iyo maamulka kula dar-daarmay inay mas'uuliyad ka saarantahay ilaalinteeda.

Safiirka Talyaaniga ee Somalia Fabrizio Marcelli, ayaa Puntland ku ammaanay hormarka ka jira, wuxuuna sheegay inay farxad u tahay ka qayb galka furitaanka mashruuc dhaqaalihiisa ay bixisay dowladda Talyaaniga.

Wasiirka Dekedaha, mas'uuliyiinta gobolka Bari iyo ka degmada Bosaso, ayaa dhankooda ka hadlay wadadan iyo muhiimadda ay u leedahay magalada xeebeedka ganacsiga Puntland, waxayna u mahadceliyeen dhinacyadii ka qayb qaatay dhammaystirka iyo hirgalinta wadadaasi.

Laamigan ayaa isku xiraya Jidka Soddonka iyo wadada marta bartamaha magalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM