Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Garowe

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaha Wakiillada Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame, oo ay wehliyaan Xildhibaano katirsan Golaha ayaa maanta Airportka Garoowe kusoo dhaweeyey Wefti ka socday Baarlamanka Maamulka Koofur-Galbeed oo uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Maxamed Nuur Macalin.

Weftiga oo Caasimadda Puntland ee Garoowe u yimid ka qayb-galka Furitaanka Kalfadhiga 47aad ee Golaha Wakiilladda DPL ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, waxaana Socdaalkoodu uu qayb ka yahay iskaashiga labada Baarlamanka ee DPL iyo Koofur-Galbeed.

Dhanka kale, Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL.

Wasiirka ayaa waxaa wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxaana looga hadlayay shaqooyinka Wasaaradda, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

Guddiga ayaa ka dhageystay Wasaaradda qorshahooda waxqabad, caqabadaha haysta, iyo waxyaabaha u qorsheysan inay wax ka qabtaan.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada kala duwan ee ay Guddiyadda Golaha Wakiilladu la qaadnayeen hay'adaha kala duwan ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM