Wafdi ka socda Shiinaha oo la kulmay Madaxweynaha Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta magaaladda Boosaaso ku qaabilay Safiirka Dowladda China ee Soomaaliya Amb. Wang Yu Ambassador iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Liibaan Muuse Boqor iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Shiinaha ayaa saameyn ku yeelanayay sanadihii dambe dalka Soomaaliya, waxuuna dagaal kula jiraa Taiwan oo xiriir toos ah la leh maamulka Somaliland. Shiinaha ayaa dhawaan gargaar bini'aadanimo gaarsiiyay SSC-Khaatumo.

Booqashada waxay kaloo kusoo aadaysaa xili Burcadbadeedda afduubka u haysataan markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo dabayaaqadii bishii November ee sannadkan laga afduubtay xeebaha Puntland, waxaana kooxda haysata dalbatay madaxfurasho lacageed oo dhan 10 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM