Wafdi ka socda Qadar oo maanta Garoowe soo gaarey

Image
Image
Image

November 14, 2014 (GO)- Wafdi u horkacayey ku-simaha safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya Xasan Xamsah ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiirro u badan, xildhibaano, isimo iyo dadweyne fara badan ayaa wafdigaas garoonka diyaaradaha ee Garowe kuso dhoweeyey.

Intaas kadib waxaa wafdiga loosoo gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsani si diirran ugu soo dhoweeyeen.

Gaas wuxuu uga mahadceliyey Mr. Xamsah iyo xubnaha la socda booqashada ay Puntland kusoo gaareen, dhanka kale ku-simaha safiirka Qadar ee Soomaaliya ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta dadka iyo Dowlada Puntland Garowe ugu sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM