Wafdi kasocda HirShabeelle oo Garowe ku sugan

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafti uu hoggaaminayo Wasirka Qorshaynta iyo Xiriirka Qurba Joogta Maamulka HirShabeelle ayaa so gaarey Magalada Garowe ee Caasumadda Puntland.

Xubno kamid ah golaha xukuumadda HirShabeelle ayaa sidoo kale kamid ahaa wafdigaas.

Socdaalkooda oo ahaa mid aan la shaacin ayaa wararka uu helayo GO, waxay sheegayaan inay la xariirto kala faa'iidaysi dhinaca Khibradda ah, maadaama maamulkaas uu yahay curdan dhawaan la dhisay.

Wasiir Qorshaynta iyo Xiriirka Qurba Joogta Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Cabdillaahi ''Gabiley'' oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa yiri,"Puntland waa hooyadii Federaalka anaguna waxaan kamid naha Federaalka waliba maamulkii ugu dambeeyay ee la dhisay, waxaan Garowe u nimid inaan ka qaadano Aqoon kororsi, balse Siyaasad uma imaan."

Wuxuu sheegay in qorshadoodu yahay sidii maamulka HirShabeelle u noqon lahaa mid aas-aaskiisu wanaagsanaado, isagoo xusay in aqoon kororsigii uga socday Puntland uu marayo meel wanaagsan.

"Guriga hadii uu aas-aasku ka xumaado waad garan kartaan, anaga waxaan doonaynaa inaan maamulkeena ka dhigno mid adag oo taf ah, waxaana doonaynaa inaan Puntland ka qaadano wixii wanaagsan si aan u noqono maamul wanaagsan," Ayuu yiri wasiir Gabilay.

Xubnaha ayaa Garowe soo gaaray maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxayna baxayaan Barri oo Axad ah, waana markii ugu horaysay wafdi heerkan le'eg uu soo gaaro magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM