​Wafdi kasocda IGAD oo Garowe soo gaaray

Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe kusoo dhaweyay wafdi katirsan IGAD oo uu hogaaminayay Xoghaya guud ee Maxbuub Macallin.

Xubnahaasi waxaa sidoo kale weheliya safiirka dowladda Somalia ee dalka Kenya.

Xubnahan ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyay xarunta madaxtooyada Puntland, waxayna kulan albaabadu u xiranyahay la leeyihiin madaxda Puntland, iyadoo warar aan helayno sheegayaan in safarkoodu salka ku hayn arrinta wafdiga Federalka u jogaan caasumada Puntland ee 4.5.

Madaxtooyada Puntland oo shirku kasocdo, waxaa ku sugan warbaahinta oo goordhow la siin doono xogta ku aadan safarka wafdigaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM