Wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaarihii hore Somalia oo Galkacyo yimi

Image

03 January, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaarihii hore Somalia Cabdiwali Sheekh Axmed kaaso ka yimi magalada Muqdishu.

Safarka wafdigan ayaa lagu sheegay ka qayb galka munaasabadda lagu furayo garoonka diyaaradaha Bosaso, waxaan la filayaa in xarigga laga jaro 08 bishan.

Cabdiwali Sheekh Axmed oo saxaafadda kula hadlay Galkacyo ayaa tilmaamay in qorshahoodu yahay qaabkii ay shacabka reer Puntland ula qaybsan lahaayeen farxadda munaasabadda lagu furayo garoonka diyaaradaha Bosaso oo muddo sannad ah ku socotay dhismo.

Mas'uuliyiinta uu hogaaminayay Ra'isal wasaarihii hore Somalia, waxaa kamid ah Cali Maxamed Geeddi, waxayna hordhac u yihiin wufuud kale oo ka imaan doona magalada Muqdishu xarunta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM