Wafti ka socda dalka Jarmalka oo gaarey magaalada Bosaso

Image
Image

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayey safiir ku xigeenka dalka Jermalka ee Somalia Christain Resch, ayaa soo gaaray magaaladda Boosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Waxaa kaloo wafdigan kamid ah madaxa WFP ee Somalia Mr. Laurent Bukera oo isagannu oo kamid ah xubnaha yimi Bosaso.

Wasiirka dekadaha Gaadiidka badda ee Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wafdiga soo gaaray Bosaso maalinta ayna xariga ka jari doonaan mashruuc ay ka fuliyeen saldhiga weyn ee magaalada Bosaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa warar Garowe Online soo gaaraya sheegayaan iney u suurtoobi waydey inuu tago magaalada Boosaso si uu ula kulmi waftigaan iyo kuwa kale oo imaanaya maalmaha soo socda madaama booqasho shaqo ku joogo Galkacayo.

Madaxdaan kala duwan ayaa la filayaa iney booqdaan xarumo dhowr ah oo ku yaalla magaaladda Boosaso, sidoo kale waxey booqan doonaan xarunta dadka qaxootiga ah ee ka soo barakacay dagaaladda dalka Yemen.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM