​Wajiga labaad garoonka Bosaso oo la dhagax dhigay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Munaasabad maanta lagu qabtay garoonka diyaraahada magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, ayaa lagu shaacinyay dhismaha wajiga labaad ee madaarkaasi, waxaana ka soo qayb galay, madaxweynaha Puntland, wufuud shalay soo gaartay Bosaso, xubno ka socday golayaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada iyo shacabka xarunta ganacsiga Puntland qaybahooda kala duwan.

Xafladda lagu daah furayay dhismaha wajiga labaad ayaa waxaa ka hadlay wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid, wuxuuna sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha garoonka islamarkaana dhaqaalaha ku baxaya ku deeqday dowladda Talyaaniga iyadoo la soo marsiiyay urur goboleedka IGAD.

Dhinaca kale, waxaa isna hadlay wasiirka duulista hawada iyo garoomada Somalia Cali Axmed Jamac "Jangeli", wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay hormarka ka socda Puntland, isagoo sheegay inuu hambalyo iyo salaan ka wado mas'uuliyiinta ugu saraysa DFS kuwaasi oo tilmaamay inay soo dhaweyeen hormarka laga sameeyay kaabashaa dhaqaalaha Puntland.

Xogaha urur goboleedka IGAD Maxbuub Macallin iyo wakiilka Somalia Maxamed Cabdi Afey, ayaa ku dheeraaday taageerada ay siiyaan Somalia oo tilmaamay inuu yahay mid muddoo dheer jiray islamarkaana sii wadi doonaan.

Waxay intaasi raaciyeen in madaarka diyaaradaha Bosaso kor u qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Safiirka dowladda Talyaaniga ee Somalia Fabrizio Marcelli, ayaa farxad iyo guul ku sifeeyay hirgalinta mashruuc la dhagax dhigay maanta, wuxuuna soo dhaweeyay hormarka Puntland gaartay isagoo sheegay inay sii wadayaan tageerada ay siinayaan Somalia .

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" oo khudbad ka jeediyay dhagax dhigaasi ayaa sheegay inay muhiimadda siinayaan hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna u mahad celiyay dhammaan xubnaha beesha caalamka gaar ahaan kuwa ka socday waddamada taageera Puntland.

Dhismaha garoonka Bosaso, ayuu xusay  Gaas inuu faa'iido u leeyahay dhammaan umadda Somaliyeed.

Mashruucan ayaa isugu jira 4 waji oo kala ah;

1- Ballaarinta dhabada diyaaraduhu ku ordaan "Runway"

2-Guriga nasashada "Terminal"

3-Goobo diyaaraduhu istaagaan "Barking"

4- iyo nalal garoonka lagu xirayo si uu u noqdo mid habeen iyo maalin la isticmaali karo.

Xubnihii beesha caalamka ka socda ayaa isla maanta ka dhoofay xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM