Wajigii koowaad ee Shirka Tana Forum oo soo gaba gaboobey

Image
Image

April 19, 2015 (GO)- Magaalada Bahir Dar ee dalka Ethiopia waxaa weli ka socda shirka sanadlaha ah ee Tana Forum oo ah shir lagu gorfeeyo ammaanka dalalka Afrika gaar ahaan kuwa ku yaalla Geeska Afrika.

Madax badan oo Africa iyo caalamkaba ka socda ayaa shirka lagu casumey, waxaana sanadkan looga hadlayaa xiriirka ka dhexeeya diimaha iyo xagjirnimada. Cinwaanka guud ee shirka ayaa ah (Cilmaaniyadda iyo Caqiidada Siyaasadeysan).

Madaxda shirkan ka qayb gashay waxaa kamid ah Ra'isal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma'arke iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo marti ku ah shirka ayaa muddadii uu socday waxa uu kulammo gooni gooni ah la qaatay madaxda wadamada Afrika qeybtood waxaana kamid ahaa Ra'isal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Gaas ayaa mas'uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin sidii Puntland looga taageeri lahaa dhinacyada horumarka, xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Wafdiga Puntland waxay dib ugu laabanayaan marka uu shirku dhammaado magaalada Adisababa, halkaasoo Madaxweynuhu kulammo kula qaadanayo madaxda ugu sarreysa dalka Ethiopia iyo masuuliyiin kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM