Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia oo la kulmey M.PL

Image

October 6, 2014 (GO)- Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Somalia Michele Cervone d’Urso ayaa maanta oo Isniin ah soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada  ayaa ergeyga kusoo dhaweeyay madaxtooaydda, halkaasoo lagu qaatay shir muddo saacad ka badan socdey.

Marka uu soo idlaaday kulankaasi ayay labada mas'uul saxaafada si wada jir ah ula hadleen, Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inay Danjiraha Midowga Yurub ee Somalia  ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xoojinta cilaaqaadka labada dhinac iyo sidii Puntland loo taageeri lahaa.

Dhankiisa Danjire Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland ayna ka go'an tahay sidii Soomaalida loo taageeri lahaa gaar ahaan maamuladda dalka ka jira oo ay ka mid tahay Puntland.

Midowga Yurub ayaa mashaariic badan oo dhanka horumarinta ah ka wada dalka Somalia gaar ahaan Puntland kuwasoo ay kamid yihiin horumarinta caafimaadka, waxbarashada iyo ilaalinta deegaanka.


GAROWE ONLINE

October 6, 2014 (GO)-

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM