Waqtiga diiwaan-gelinta xisbiyadda Puntland oo la muddeeyay

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in diiwaan-gelinta ururadda siyaasadda ay bilaabayaan 15-ka December 2019, oo ku beegan Axada maanta ah.

Guuleed Saalax Barre, gudoomiyaha guddigaas, ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda daah-furka qorshe-howleedka guddiga oo habeenimadii Sabtida lagu qabtay magaaladda caasimada ah ee Garowe.

Diiwaan-gelinta xisbiyadda ayaa socon doonta muddo saddex-bilood ah, sidda uu ka dhawaajiyey Guuleed.

"Dhamaan habraacyadda, shuruudaha iyo dukumiintiyadda muhiimka u ah is-diiwaan-gelintaas waxay diyaar ku yihiin xarumaha dhexe ee Guddiga," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dhinaca kale, Guuleed oo kalsooni ka muujiyey in ay qaban-karaan doorashooyin qof iyo cod ah ayaa uga mahad-celiyay xukuumadda madaxweyne Deni in ay ku dhaqaaqday talaabooyin muhiim ah.

Talaabooyinka ayaa waxaa kamid ah; in xili hore la magacaabay, loo madax-banaayeeyay shaqadooda, lana kordhiyey qoondada ay ku leeyihiin Miisaaniyadda dowladda Puntland.

"Waxaanu haysanaa waqti nagu filan oo aan ku hirgelin karno [doorasho qof iyo cod ah]," ayuu gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay.

Puntland ayaa sanadihii u dambeeyay xusul-duub ugu jirtay nidaamka xisbiyadda Puntland, iyaddoo hirgelintiisa ay ugu dhoweyd dowladii Faroole, hase ahaatee, waxaa is-hortaag ku sameeyay siyaasiyiin dano gaar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM