Waqtiga la fulinayo xukunka kiiska Caasha Ilyaas oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland – Xeer-ilaalinta Puntland ayaa Axada maanta ah shaacisay in 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo la fulinayo xukunka dilka toogashada ee kiiska Caasha.

Maxamuud Xasan Aw-Xirsi, xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda, ayaa wariyeyaasha u sheegay in qisaasta lagu fulin doono Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Gal-dacwadeedkan oo saddex qof ay xukumaneyaal ka yihiin ayaa ku saabsan kufsi wadareed iyo dil ka dhacay Gaalkacyo, magaala madaxda gobolka Mudug, bishii Febraayo sanadkii 2018-kii.

Xukumaneyaasha oo laba kamid ah ay yihiin walaalo ayaa lagu kala magacaabaa; Cabdifitaax C/raxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa ku riday Maxkamadda Darajadda koowaad ee gobolka Nugaal, taariikhdu markay ahayd 12-ka bishii May, sanadkii hore 2019.

Maxkamadda Rafcaanka ee isla gobolka ayaa 30-ka June, 2019 waxay ayiday go’aanka Maxkamadda Darajadda Koowaad.

25-ka bishii August, 2019, Maxkamadda Sarre ee Puntland ayaa go’aanka ugu dambeeya kasoo saartay kiiska iyaddoo raacday xukunadii hore.

Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar ayaa falka foosha xun ee lagula kacay waxaa carro xoogan ka muujiyey shacabka Soomaaliyeed.

Kiiska Caasha Ilyaas Aadan oo taariikh cusub kusoo kordhiyey Soomaaliya ayaa noqday galkii ugu horeeyay ee xukunkiisa lagu saleeyay habka casriga ah ee baaritaanka tacadiyada jinsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM