Waraabe dad cun ah oo faro kulul ku haya dadka gobolka Karkaar

Image
Bil kahor ayey ahayd markii baadiyaha Yakayaka uu Waraabe xilli fiid ah weerar ku qaaday 2 Gale Geel.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bulshada kunool deegaamo katirsan gobolka Karkaar ee Puntland ayaa cabasho xooggan ka muujinaya Waraabe dad cun ah oo muddooyinkii dambe fara-kulul ku hayey deegaamadaasi.

Degsiimada Yakayaka ee degmada Qardho ayaa xalay waxaa gudaha u galay Waraabe dad cun ah iyadoona dadka deegaanku ku guulaysteen in magaalada laga saaro, waxaana qaarkood sheegeen in haddii aan wax laga qaban Waraabahaani uu halis ku yahay noloshooda.

Bil kahor ayey ahayd markii baadiyaha Yakayaka uu Waraabe xilli fiid ah weerar ku qaaday 2 Gale Geel isla markaana uu dhaawacyo halis ah ku gaarsiiyey 3 nin, inkastoo ugu dambayn lagu guulaystay in lasoo dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM