Waraabe dad cun ah oo faro kulul ku haya dadka gobolka Karkaar

Image
Bil kahor ayey ahayd markii baadiyaha Yakayaka uu Waraabe xilli fiid ah weerar ku qaaday 2 Gale Geel.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bulshada kunool deegaamo katirsan gobolka Karkaar ee Puntland ayaa cabasho xooggan ka muujinaya Waraabe dad cun ah oo muddooyinkii dambe fara-kulul ku hayey deegaamadaasi.

Degsiimada Yakayaka ee degmada Qardho ayaa xalay waxaa gudaha u galay Waraabe dad cun ah iyadoona dadka deegaanku ku guulaysteen in magaalada laga saaro, waxaana qaarkood sheegeen in haddii aan wax laga qaban Waraabahaani uu halis ku yahay noloshooda.

Bil kahor ayey ahayd markii baadiyaha Yakayaka uu Waraabe xilli fiid ah weerar ku qaaday 2 Gale Geel isla markaana uu dhaawacyo halis ah ku gaarsiiyey 3 nin, inkastoo ugu dambayn lagu guulaystay in lasoo dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM