Waraaqaha imtixaanka shahaadiga Puntland oo gobollada loo qaaday

Image
Image
Image
Image

May 21, 2015 (GO)- Kooxaha qaadaya imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa maanta loo kala direy dhammaan gobollada. Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu sagootiyey kooxahaas.

Imtixaanka shahaadiga Puntland ee looga gudbo fasallada siddeedaad iyo labo iyo tobnaad waxaa sanadkan geli doona 10, 050 (toabn kun iyo konton) ardey oo isugu jira 6,427 wiil iyo 3,626 gabdhood.

Fasalka siddeedaad waxaa imtixaanka gelaya 7, 235 halka fasalka labo iyo tobnaadna ay gelayaan 2, 818.

Imtixaanka waxaa lagu qaadi doonaa 74 xarumood islmarkaana shan boqol oo qof oo isugu jira ilaaliyeyaal iyo kormeerayaal loo xil saaray habsami u socodka imtixaanka.

Maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay May 23, 2015 ayuu si rasmi ah imtixaanku u furmi doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM