Waran Cadde: "Aloore wuxuu caqabad ku yahay wada-hadalka"

Image

February 2, 2015 (GO)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa si kulul u dhaleeceeyey Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore.

Waran-Cadde oo maanta shir-jaraa'id magaalada Berbera ku qabtey, wuxuu sheegay in Xasan Alloore caqabad ku yahay wadahadalka u socda Puntland iyo Somaliland iyo weliba cilaaqaadka u dhexeeya labada dhinac.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland si cad uma tilmaamin in wadahadalka uu sheegayaa yahay mid qarsoodi ah oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland iyo inuu ula jeedo wada-xaajoodka u soocda Dowlada Federaalka iyo Somaliland, maadaama Puntland tahay qayb kamid ah Dowlada Federaalka.

"ninka Garowe ka hadlay daraato wuxuu waxyeelo weyn ku yahay wada-hadalkii naga dhexeeyey anaga iyo Puntland, wuxuuna u egyahay nin aan u warhaynin xataa siyaasadda dowladiisa, wuxuuna u muujiyey umada reer Somaliland cadaawad aad u fool xun..." 

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Garowe shir-saxaafadeed ku qabtey, wuxuu Somaliland ku eedeeyey inay gacansaar dhow la leedahay kooxaha Al-shabaab ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Golis.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hubka Berbera soo gaarey si toos ah ugu socdey Somaliland, suuragalna ay tahay in qaar kamid ah loo soo gudbiyo Al-shabaab.

Somaliland oo dhankeeda ka jawaabtey eedaymaha uga yimid Puntland, waxay ku tilmaantay inay yihiin kuwo been abuur ah oo haba yaraatee aanay waxba ka jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM