Wararkii ugu dambeeyey dagaal dib ugu qarxey Gaalkacayo

Image

3 Dec, 2015 (GO)- Wararkii ugu dambeeyey magaalada Galkacayo ayaa sheegaya in dagaal rasaasta hubka noocyadiisa kala duwan la isku waydaarsanayo.

Guddiyadii u xilsaarnaa kala qaadista ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa ku howlan xabad joojin cusub labada dhinac la dhexdhigo. 

Wararka hada na soo gaaraya ayaa xusaya in dagaalka culus yahay rasaas xoogan laga maqlayo magaalada gudaheeda. Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in 6 qof ku geeriyoodeen dagaalka, uuna jiro dhaawac intaas ka badan. 

Lama oga khasaraha dhabta ah, maadaama weli dagaalka uu socdo, waxaana suurta gal ah inuu intaas ka badan yahay.

GAROWEONLINE kala soco wararka ugu dambeeyey dagaalka Galkacayo

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM