Warbixin laga dhageystay madaxda Wasaarada Maaliyada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Kormeer u kuur-gelid ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.

Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen Agaasimaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda DPL Abshir Maxamed Abshir, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal Cabdiwali Xassan Nuur iyo Maamulaha Cashuuraha Beriga ee Gobolka Nugaal Sharmaarke Maxamed Warsame.

Guddiga ayaa ka xog wareystay habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyey masuuliyiinta arrimahaas, Guddiga ay kula dardaarmay in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh.

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM