Warbixin: Madaxweyne Gaas oo caqabado kala kulmey Galkacayo

Image

Sept 27,2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland iyo wafti uu hogaaminayo oo u ambaxey magaalada Galkacayo 11 August, 2015 ayaa wararka ka imaanaya safarkiisa uu ku jooga magaalo madaxda gobolka Mudug sheegayan iney lasoo gudboonaadeen caqabado siyaasdeed halka isbadalo uu ka sameyn lahaa madaxda haya'adaha gobolka uu ku guuldareystey.

Caqabadaha siyaasadeed ayaa sida warsdaha Garowe online ku helayo xog waxaa kamid ah in isbadalo uu rabey inuu ku sameeyo maamulka degmada, saraakiisha ciidamada, agaasimayaal iyo in gudoomiyaha gobolka ku qanciyo inuusan is-casilin dhamaantood noqdeen kuwa guuldareysta.

Xogtaan ayaa sheegeysa in dhowaan madaxweynaha Puntland iyo la taliye-yaashiisa ku guuldareysteen in isbadal lagu sameeyo gudoomiyaha degmada Galkacayo iyadoo golaha deganaka la kala dirayo.

Guddiga talada madaxweynaha Puntland ka siiya xilalka dowlada oo la isku badalyo iyagoo ka eegaya danahooda siyasdeed iyo dhaqaale ayaa soo bandhigey shaxda ah in agaasimaha hay'ada wadooyinka Puntland "Nesha" Maxamuud Cabdinuur Aadan Dalab lagu badalo duqa degmada Galkacayo Cabdicasiis Jaamac Guuled (Nugaal) iyadoo hayda NESHA loo magacaabayo nin qaraabo dhow ay yihiin Mudane Gaas iyo guddiga intiisa badan kasoo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Xaaji Xasan (Burgal).

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweynaha Puntland arinkaan uu u soo bandhigey Agaasimaha NESHA Maxamuud Cabdinuur Aadan Dalab inuu qabto xilka gudoomiyaha degmada marka la kala diro golaha degaanka degmada Galkacayo isagoo warar xusayaan inuu ku gacan sayrey qorshaha loo soo bandhigey.

Dad xogogaal ah ayaa Garowe online u sheegey in agaasimaha NESHA uu diidey codsiga madaxweynaha Puntland kadib markii uu la tashiyo la sameeyey odayaal ka tirsan beeshiisa kuwasoo kula taliyey inuusan qaadan xilka gudoomiyaha degmada balse uu sugo inta xilka laga qaadayo.

Madaxweynaha ayaa qorsheynayey in sidii uu u kala direy golayaasha degaanka Garowe iyo Bosaso u kala diro kan degmada Galkacayo kadibna Agaasimaha hay'ada NESHA KMG ahaan ugu magaacbo gudoomiyaha degmada Galkacayo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gadoodka ciidamada ka dhacey magaalada Galkacayo inta uusan  u ambabixin madaxweynaha Puntland magaalada Muqdishu uu la xiriirey arrimo mushahar la'aan iyo diidamo siiyasadeed oo ka timid isbadalka  la rabey in lagu sameeyo duqa degmada iyo agaasinka hay'ada NESHA.

Dhinaca kale waxaa iska casiley maalmihii la soo dhaafey xilka gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg kaasoo waraaqdii xil ka tagista madaxweynaha Puntland u gudbiyey intii uusan aadin magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan in gudoomiyaha gobolka Mudug oo ka tirsanaa qurbo joogta Puntland uu ka diidey inuu ka aqabalo iscasilaada.

Xil ka tagista Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa la xiriiranayaa arrimo badan ay kamid kadib markii uu waayey dakhligii uu ku qaban lahaa howlihii loo igmadey.

Caqabadaha kale ee madaxweynaha Puntland kala soo gudboonaadey Galkacayo ayaa sidoo kale waxaa kamid ah dhulkii la burburiyey iyadoo goobaha qaarkood ay ka bixi wayaeen dadkii daganaa.

Xerada timaweynta la yiraahdo iyo goobo kale ayaa dadka ku jira diideen iney ka baxaan iyadoo xogtaanu sheegeyso in maleeshiyaad diidan fadhiyaan halkaas taasoo khatar u ah in isku-dhac ciidan ka yimaado.

Mushkilada kale ee lasoo gudboonaatey madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa ayaa xogogaal la hadley Garowe online u sheegey ineysan jirin qorshe deg deg ah ee loo hayo dhulka la baneeyey iyadoo balanqaadyada la sameeyey aysan u dhigmin dhibaatada kasoo gaartey dadkii laga barakiciyey.

Ugu dambeeyentii madaxweyne Gaas ayaa la kulmey dhowaan dagaal sokeeye ee u dhexeeya qaar ka tirsan beelaha daga gobolka Mudug, Nugaal iyo beelo daga gobolka Sool iyo Cayn.

Madaxweynaha Puntland ayaa xalinta khilaafkaan u xilsaartey madaxweyne ku-xigeenka Puntland taasoo eedymo uga imaanayaan dowlada madaama aysan qaadin talaabooyinkii loo baahnaa in lagu xakameeyo colaadahaan.

Xusuus: Mudane Gaas ayaa gabi ahaabna ku guuldareystey xulista dadkii uu u magacaabey iney hogaamiyaan degmooyinka iyo maamulada gobolada Puntland iyadoo siyaasi u kuurgala arrimaha gobolka u sheegey Garowe online in madaxweyne Cabdoweli Maxamad Cali Gaas maamulka degmada Garowe, Qardho iyo Bosaso xubnihii uu u magcaabey iney xilkaan qabtaan ku guuldareyteen iney ku soo baxaan doorashooyinka ka dhacey qaar degmooyinkaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa asbucii lasoo dhaafey ayaa siyaasad ahaan tageerayey xubintii u tartamey duqa degmada Qardho ee la yraahdo Farax Gaab iyadoo golaha degaanka doorteen xubintii kale oo la tartantey.

Gudoomiyaha degmada KMG ah ee magaalada Bosaso ee uu madaxweynaha Puntland magacaabey kadib markii uu kala direy golihii degaanka ayaa wararka ka imaanaya xulista golaha degaanka sheegayaan inuu waayey xubintii beeshiisa ka soo heli lahaa iyadoo inta uu xilkaan hayey sidoo kale lagu soo eedeeyey musuq-maasuq baahsan iyo is-daba-marin. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM