Wariyaal lagu abaal-mariyey magalada Garowe

Image
Image
Image
Image

10-December, 2015(GO)- Wasaradda Haweenka iyo xafiiska difaacaha xaquuqul aadanaha Puntland ayaa maanta saddex wariye oo ka mid ah kuwa ka howl gala magalada Garowe gudoon siiyay shihaadooyin iyo abaal-marino.

Maxamed Daahir Caynsane, Cali Cabdi Ducale iyo Ibraahim Muuse Dahraan ayaa abaal-marintan iyo shihaadooyinkan ku muteystay soo gudbinta xaalada qoysaska danyarta ah iyo garab istaagooda sidoo kale waxaa lagu tilmaamay Caysane inuu ka mid yahay dadka soo bandhigga sawirada ka turjumaya quruxda dalka iyo fariimo lagu dhiirigalinayo dhalinyarada dalka ka carartay.

Wasaradda Haweenka ayaa sheegtay inay mudan yihiin cidii shacabka wax u qabatay in la dhiirigaliyo laguna amaano dadaalkooda, sidoo kale gudoomiyaha xafiiska xaquuqul insaanka Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay wariyaasha la abaalmariyay inay muujiyeen kartidooda shaqo iyo awoodooda ah inay dadka wax u qaban karaan isla markasna caalamka u gudbin karaan xaalada qoysaska danyarta ah.

Waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin abaal-marintan, waxa kale ay sheegeen inay muhiim tahay in la garab istaago dadka danyarta ah ee u baahan in wax loo qabto, wariyaashan qaarkood ayaa soo bandhigay gabar lix jir ah oo xanuun aan la aqoon ku dhacay taasoo xaaladeeda aan waxba looga qaban karin dalka.

Sidoo kale Cali Cabdi Ducale ayaa dhaqaale aruurin u sameeyay Saaqo Cabdi Aadan oo ku dhow 80-sano, Islaantaa ayaa mudo afar sano ah ka jaban misigta bidix mana jirto wax loo qabtay.

Xuska Olalaha tacadiga ka dhanka ah haweenka iyo munaasibadda maalinta caalamiga ah ee xaquuqul aadanaha ayaa wariyaashaan lagu abaal-mariyay taasoo lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda PSU Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM