​Wariyaasha Puntland oo loo tababarayo tabinta doorashada Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe ka furmay tababar ku saabsan qaabka wariyaasha Puntland uga qayb qaadan karaan doorashada la filayo in dalka Somalia ka dhacdo dabayaaqada sannadka 2016.

Ku dhawaad 30 wariye oo gobolada Puntland isaga kala yimid ayaa ka faa'Iidaysanaya aqoon is-weydaarsigan, waxaana u jeedku uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada warfidiyeenka Puntland iyadoo inta uu socda wax la iska weydiin doono qaabka ugu haboon ee wararka bulshada loogu godbin doono, doorka ay ku yeelanayaan doorashada iyo qaabka looga tallaabsanayo caqabadaha imaan kara.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntland Faysal Khaliif Barre, ayaa sheegay in tababarkan uu muhiimad ballaaran u leeyahay Suxufiyiinta, wuxuuna ugu baaqay inay ka faa'iidaystaan

Agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta dowladda Puntland Mowliid Abuukar Abkeey ayaa Ururka MAP ugu mahadceliyay tababarka ay siinayaan wariyaasha, wuxuuna  usoo jeediyay inay muhiimadda koowaad ka dhigaan dhinaca hormarka ee aysan eegin waxyaabaha bur-burka keenaya.

Aqoon isweydaarsigan ayaa lagu wadaa inuu socdo saddex bari, waxaana bixin doona Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali Kismaayo, wuxuuna kusoo aaday xilli la isu diyaarinayo doorashada waddanka ka dhici doonta 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM