Wariyayaasha Buuhoodle oo baaq u jeediyey maamulka Somaliland

Image

Buuhoodle,Puntland August 25, 2014 (Garowe Online)- Wariyayaasha ka howlgala magalada Buuhoodle xarunta Gobalka Cayn ayaa cambaareeyay fal uu mamulka Somaliland kula kacay suxufiyiin ka qayb galay doorashadii madaxwaynaha Khaatumo Prof.Cali Galayr kuwaasoo qalabkoodii laga qaatay.

Shir ay suxufiyiintan maanta isugu yimaadeen Buuhoodle ayay Somaliland ugu baaqeen inay dib ugu soo celiyaan qaar ka mid ah wariyaasa magalada Laascaanood oo ay si xoog ah uga qaateen qalabkoodii shaqadda.

Wariyaasha qalabka laga qaatay ayaa kala ah Cabdikariim Cabdillaahi Bile ''Olol'', Maxamed Shaqalle iyo Cabdiraxmaan Cali Ducaale  waxayna wariyaasha shirkan isugu yimi ay sidoo kale Hay'adaha u dooda xaquuqda saxafada ay ugu baaqeen inay arrintaan wax ka qabtaan.

Cali Dhagjar iyo Khadar Cawl ayaa sheegay inay muhiim tahay ilaalinta xaquuqda suxufiga iyo xoriyadda hadalka waxayna cadeeyeen suxufiyiintu inay yihiin kuwo madax banaanbalse ilaalinayadda danaha umadda ka dhaxaysa iyo ilaalinta xaqa ay ku lee yihiin shacabkooda.

Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa mar sii horaysay ka hadlay falkan iyagoona ugu baaqay in si deg deg ah dib loogu soo ceeliyo wariyaasha qalabka laga qaatay ee Rayidka u shaqeeya sidoo kale waxay muujiyeen inay ka xun yihiin falka.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay mamulka Somaliland ee gacanta ku haya magalada Laascaanood sidaan u galaan wariyayaasha balse arrintan ayaa noqotay mid soo laalaabatay oo caqabad ku ah shaqada warbaahinta madaxa banaan ee Gobalka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM