Axmed Maxamad Cali "Kismayo" oo ku geeriyooday dalka India

Image

HYDERABAD, India - Waxaa saaka oo Arbaco ah India ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Wariye Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo), oo mudo kusoo jiray Saxaafada Somalia. 

Qoyskiisa ayaa xaqiijiyay in Marxuumka uu ku dhintay Qolkiisa Hotel ku yaalla magaalada Hyderabad, halkaasi oo dhawaan loo geeyay in looga daweeyo xanuun aan wali la shaacin. 

Wararka ayaa sheegaya in AUN Axmed Kismaayo muddo laga hayey  Cunaha ah, kaasi oo ugu dambeyntii maanta uu ugu geeriyooday Isbitaalka Hyderabad, isagoo horey loogu  sameeyay qaliino kala duwan. 

Saraakiil katirsan maamulka Puntland iyo bahda Saxaafadda, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Axmed Kismaayo, waxayna alle uga baryeen inuu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo. 

AUN Axmed Kismaayo wuxuu kusoo biiray Mihnada Saxaafada sanadkii 1980, isagoo kasoo shaqeeyay Radio Muqdishu, BBC Laanteeda Afka Soomaaliga oo uu ku biiray 1999. 

Waxa uu Marxuumka Agaasime kasoo noqday Puntland TV 2013-kii. 2016 waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland, xilkaasi oo bilooyin kadib isaga casilay sababo shaqsi. 

AUN Axmed Kismaayo, oo ahaa nin caan ah, oo laga yaqaano deegaanada Afka Soomaaliga looga hadlo, gaar ahaan Puntland, ayaa qoray Buugaag ay kamid yihiin Hoygii Samata-baxa iyo Layliga Suxufiga. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM