Wariye Cabdirizaq Silver oo lagu aasey magaalada Galkacayo

Image

Arbaco, Nov 19,2014 [GO]- Alaha u Naxariitee waxaa saaka lagu aasey magaalada Galkacayo Cabdirizaq Cali Cabdi 'Silver' kadib markii koox hubeysan habeenkii xaley ku dileen halka la yiraahdo Xero Daraawiish.

Aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qay galey mas'uuliyiin ka tirsan Mas'uuliyiinta gobolka Mudug, saxafiyiinta, culumaa'udiin iyo ehelada Alaha Naxariistee Cabdirizaq Silver.

Saxafiyiinta gobolka iyo Puntland ayaa ka codsadey dowlada Puntland iney gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii dilka u gaystey saxafigaan.

Idaacada Radio Garowe ayaa wax ka waydiisay arintaan Wasiirka Warfaafinta Puntland talaabada laga filayo dowlada iyo sababta loo beegsadey saxafiyiinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi u direy dhamaan saxafiyiinta Puntland gaar ahaan ehelka wariye Cabdirizaq Silver.

Saddexdii sano ee ugu dambeeyey waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley shan weriye oo AHN Cabdirisaaq Cali Silver kamid yahay kuwaasoo saddex kamid ahina ka tirsanaayeen shaqaalaha Radio Daljir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM