Wariye Jamac Deparani oo la sii daynayo

Image

29 November, 2015(GO)-Wariye Jamac Yusuf Deparani oo muddo dhan 10 Bari ku xirnaa magalada Garowe, ayaa wararku sheegayaan in maanta la soo dayno, ka dib dadaalo ay galeen ururka Saxaafadda Puntland, wariyaasha iyo ururada xuquuqda u dooda.

Xafiiska ilaalinta ayaa la filayaa inay goor dhaw soo saaro waraaq lagu sii daynayo Deparani, kaaso horay loogu gudbiyay xabsiga weyn ee magalada Garowe, isagoo aan la soo taagin maxkamad.

Xariga Wariye Jamac Deparani, ayaa sababsaday waraysiyo kala duwan oo ka qaaday wasiirrada wasaaradda warfaafinta Puntland iyo Arrimaha Gudaha Federalka Somalia kuwaasi oo ka hadlay arrimo kala gadisan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM