Wariye Jamac Deparani oo xabsiga weyn loo gudbiyay [Dhagayso]
21 November, 2015(GO)-Wariye Jamac Yusuf Deparani oo maalintii saddexaad si sharci darro ugu xiran magalada Garowe ayaa maanta la amaray in 15 cisho oo xabsi xalaalayn ah loogu gudbiyo jeelka weyn ee caasumadda, isagoo aan weli la soo taagin maxkamad.
15-ka bari ee xabsiga loogu gudbiyay ayaa lagu sheegay inay tahay baaritaano dheeri ah oo dowladdu soo samaynayso.
Maanta 21 November, ayaa loo ballansana maxkadda in la geeyo Jamac, balse amar kore oo ka soo baxay laamaha uu sida sharci darada ah ugu xiranyahay, ayaa lagu sheegay in arrintaasi aan maxkamad la gayn balse loo gudbiyo xabsiga weyn oo lagu xiro dadka gala falalka halista ah sida; Dilka iyo Burcad badeednimada.
Wariyaashada ku nool magalada Garowe oo ilaa shalay waday banaan baxyo uga cabanayaan xaqdarada lagu xiray Wariye Deparani, ayaa u tagay guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi si arrintan uga hadlo balse wuu ku gacan sayray dalabka wariyaasha, waxaana loo diiday inay galaan gudaha xarunta Barlamanka Puntland ee magalada Garowe.
Axmed Cali Xaashi ayaa doorashadiisa waxaa ku lugu lahaa madaxweyne Gaas, sababtuna waxay tahay inuu u fur furanyahay siyaasadda xukuumadiisa, wuxuuna ku bixiyay lacag badan.
Faysal Khaliif Barre, gudoomiyaha ururka saxaafadda Puntland (MAP) ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaalad iyo in Wariye Jamac Deparani xoriyadiisa la siiyo.
Saalim Yuusuf oo ka mid ah xubnaha ururka MAP, ayaa dhankiisa xusay in wasiirka warfaafinta Puntland Soocade oo laamaha garsoorka ka codsaday in Wariye Deparani xabsiga lagu sii hayo inta uu ka soo laabanayo shir uu Muqdishu uga qayb galayo.
Qaar ka mid ah wariyaasha ka hawlgal magalada Garowe oo banaan bax ka sameeyay afaafka hore ee Barlamanka Puntland, waxayna sheegeen inay ka xunyihiin talabadan lagu xiray Deparani, iyagoo ka digay in xoog la isu sheegto oo sharciga lagu tunto.
Xariga Wariye Jamac Yusuf Deparani ayaa keenay waraysiyo kala duwan oo ka qaaday wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade oo khaatumo Qabyaal ku taageeray iyo wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia oo isna shaaciyay in afkaarta ku saabsan hanaanka doorashada dalka Somalia 2016 ee laga aruuriyay shacabka Puntland oo gaarayay 600 qof laga qaadan 150 ruux afkaartood.
GAROWEONLINE