Wariye lagu xiray magalada Garowe

Image

Ciidanka ammaanka magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa xalay xabsiga u taxaabay Faadumo Yuusuf Taxadar oo ka mid ah wariyaasha Bosaso.

Xariga Taxadar ayaa wararka dhanka dowladda aanu ka helayno sheegayaan inuu salka ku hayo war qaldan ay ka gudbisay ciidankii caraysnaa ee talaadadii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay Puntland Tv taasoo u dhigtay in ciidankaasi ay shaqalaha ku amreen inay horay usoo qaataan agabka fudud.

Waraysigan ayay siiyay VOA oo ka mid ah warbaahinta buunbuniya wararka aan salka iyo raadka lahayn ee Puntland ka jira waxayna wariyahani ku sheegtay in ciidankani ay yihiin ciidan maleeshiyo ah taasoo keentay in dowladda ay ka xumaado.

Ma aham wariyihii ugu horeeyay oo Garowe lagau xiro waxaase socda dadaalo ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ay wadaan oo ku aadan xariga Faadumo Taxadar.

Warbixinta MAP wararka danbe ayaad ku maqli doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM