Wariye lagu xirey magaalo madaxda Puntland ee Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Magalada Garowe ayaa malinimadii 2/07/2017 waqtigii duhurnimada waxaa saldhiga booliska dhexe ee magaalada Garowe lagu xirey wariye Axmad Cali Kilwe.

Lama oga sababta loo xirey wariyahaan balse warar aan ka heley sarkaal ka tirsan ururka saxafiyiinta Puntland ayaa sheegaya in loo qabtey arin la xiriita maqaal uu ku qorey Barta Facebook.

Maqlakaan ayaa la sheegey in uu hadalo lid ku ah Madaxweynaha Puntland ku qorey taasoo sababtey in amar lagu siiyo in saldhiga Booliska lagu xiro.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in saxafigaan loo diidey in asxaabta, ehelka ay arkaan iyadoo sarakiisha Booliska sheegtey in amarka sidaas lagu baxshey.

Ma aha markii ugu horeysay dowlada Puntland xarig u gaysato wariyeyaasha ka howlgala maamulkaas kuwasoo la soo daayo iyadoo wax Maxamad ah lasoo taagin.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM