Wariyeyaal Garowe tababar uga furmey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

February 17, 2015 (GO)- Tababar muddo saddex maalmood ah socon doona ayaa qaar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland maanta uga furmey magaalada Garowe.

Tababarkan oo casharrada lagu baran doono ay kamid yihiin anshaxa saxaafadda iyo xoriyatul qawlka waxaa soo qaban qaabiyey ururka saxafiyiinta Puntland MAP oo kaashanaya ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ iyo hay'adda VIKES.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indho-guran  oo kulanka furey ayaa kula dardaarmey xubnaha tababarka ka qayb gelaya inay si fiican uga faa'iideystaan casharrada la siin doono, dibna ugula noqdaan goobihii ay ka yimaadeen.

Wakiil ka socdey hay'adda horumarinta warbaahinta ee VIKES oo fadhigeedu dalka Finland yahay ayaa isna sheegay inay tahay markii ugu horeysey ee hay'addaasi mashruuc caynkan oo kale ah ka fuliso Puntland, isagoo sidoo kale sheegay inay u kuur geli doonaan baahiyaha dhanka warbaahinta ee ka jira Puntland wixii awoodooda ahna ay wax ka qaban doonaan.

Ururka MAP oo sanadkii hore hoggaan cusub doortey wuxuu dadaal xooggan ugu jiraa sidii uu kor ugu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqo ee wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM