Wariyeyaashii Garowe lagu xirey oo saaka lasoo daayey

Image

May 24, 2015 (GO)- Waxaa dib xoriyaddooda u helay labo wariye oo ka tirsan Idaacadda Daljir, kuwaasoo shalay ciidamada boolisku xireen.

Agaasimaha Daljir Garowe Cabdiraxmaan Gaardi iyo Tafatire Jamaal Faarax ayaa lasoo daayey saaka abbaare 9:00kii waqtiga Geeska Afrika.

Ururka MAP oo kaashanaya mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe ayaa ku guuleystey in labadaas saxafi dib xoriyaddooda loogu soo celiyo.

Dhanka kale, Jamaal Faarax Aadan oo Garowe Online la hadlay ayaa sheegay in amarka lagu soo xirey toos uga soo baxay madaxtooyada.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay dalbadeen in loo sheego sababta lagu soo xirey iyo  dambiga ay galeen haddii kale aysan ka tegi doonin saldhigga booliska.

" anagu xoolo ma nihin marna layska xirayo marna la sii deynayo...xaq waxaan u leenahay in naloo sheego cidda nasoo xirtey, sababta naloo soo xirey iyo weliba dembiga aan galnay..." Jamaal ayaa sidaas yiri.

Dood dheer kadib, waxaa lagu heshiiyey in maalinta berri ah xarunta Wasaaradda Amniga ay ku kulmaan xubno ka socda ururka saxafiyiinta MAP, mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga iyo saraakiil ka socda madaxtooyda, si arrintan looga wada hadalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM