WARSAFXADEED: Puntland oo digniin u dirtey Barlamanka Federaalka Somaliya

Image

BOSSASO,Puntland- Qoraal kasoo baxay dowlada Puntland ayaa waxay digniin ka bixisay in Barlamanka Somaliya wax ka badalis ku sameeyo heshiiskii doorasho ee Somaliya kaasoo Dowlada Federaalka iyo maamulada wadagaareen.

Warsaxafdeedkaan oo maanta kasoo baxey xafiiska Madaxweynaha Puntlnad ayaa digniin loogu direy gudoonka Barlamanka iyo xildhibaanada golaha taasoo lagu sheegey ineysan awood u laheyn iney wax ka badalaan heshiis siyaasdeed madaama waqtigoodii dhamaadey.

Dowlada Puntland ayaa sidoo kale qoraalkaan ku sheegtey in sababta Barlamanka faragelinta ugu sameynayo heshiiskaan tahay isagoo raadinaya muddo korarsi. 

 Warsaxafdeedkaan ayaa diirada saarey Barlamanka Somaliya balse ka gaabsadey in madaxda kale ee dowlada Federaalka u dirto digniin hadii wax laga badalo heshiiskii doorasho ee Somaliya.

Warsidaha Garowe Online oo qoraal horey uga qorey HALKAN KA AKHRISO qorshaha la rabo in isbadal loogu sameeyo sharciga doorashada ee Somaliya ayaa rumeysan in qorshahaan uu dabada ka riixayo Madaxweyne Xasan Shiikh halka uu gacansaar kala sameynayo arinkaan gudoomiyaha Barlamanka.

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa welwel siyaasdeed ka qaba awooda heshiiskaan siinayo maamul goboleedyada madaama dagaal siyaasdeed uu ka dhexeeyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somaliya.

HALKAN KA AKHRISO WARSAXAFDEEDKA DOWLADA PUNTLAND KASOO SAARTEY DIGNIINTA AY U DIRTEY BARLAMANKA FEDERAALKA SOMALIA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM