Warsame: mushahar la'aan ayaa kamid ah arimaha aan isku casiley

Image

June 13, 2015 (GO)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaallada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in sababaha uu isku casiley ay kamid tahay mushahar la'aan soo wajahdey shaqaalaha wasaaradda oo sida uu sheegay muddo siddeed bilood ah aan helin mushaharaadkii ay xaqa u lahaayeen.

"lix iyo toban bilood ayaan xilka haynay, dhaqaale xumo darteed lix iyo tobankaas bilood siddeed kamid ah , wax xuquuq ah iyo wax mushaharaad ah kama helin dowladda" ayuu yiri.

Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Gaas arrimaha uu ka bilowday ay kamid tahay mushahar la'aanta shaqaalaha iyo sida dowladdu isaga xil sari la'dahay.

"mar walba waxan u doodi jirney in shaqaalaha xuquuqdooda helaan, waxyaabaha keenay khilaafka aniga iyo Madaxweynaha ayey kamid  ahayd"


Shaqaalaha dowladda ee mushaharaadku ka maqan yihiin ayaa ka walaacsan isku-shaandheynta la filayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirrada, maadaama isbeddelka dhacayaa sababi doono in bixinta mushaharaadku raagto bilaha qaarna ay waayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM