Wasaarada Warfaafinta Puntland oo dacwad ka gudbisay Idaacad

Image

12 August, 2015 (GO)- Wasaarada Warfaafinta Puntland  ayaa dacwad ka dhan ah ku soo oogtey Radio Sahan oo xaruntiisu tahay magaalo madaxda Puntland Garowe.

Dacwada ka dhanka ah oo Wasaarada Warfaafinta kasoo gudbisay Idaacada sahan oo nuqul kamid ah soo gaarey warsidaha Garowe Online ayaa Idaacadaan kusoo eedeysay sadex qodob oo kala ah; 1- In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August baaqato 2- in madaxtooyada Puntland ku baxo kharash farabadan 3- In kharash badan lagu soo kireeyey fanaaniin ka qayb gala xuska munaasabada 1 August. 4- In kooxda Al-shabaab raadineyso fursado ay ku weerarto degaanada Puntland.

Dacwadaan ayaa xeerilaaliyaha guud ee dowlada Puntland saaka u gudbiyey maxakamada iyada oo halkaas saaka la filayo in maxkamada dhageysigeeu ka bilowdo.

Ururka MAP ayaa garyaqaan u qabtey Idaacadaan iyaga oo ku sugan maxkamada Garowe iyadoo la filayo in dhowaan qabtaan warsaxafdeed ka hadlaya arinkaan.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona wararka la xiriira dacwadaan.

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM