Wasaarada Warfaafinta Puntland oo dacwad ka gudbisay Idaacad

Image

12 August, 2015 (GO)- Wasaarada Warfaafinta Puntland  ayaa dacwad ka dhan ah ku soo oogtey Radio Sahan oo xaruntiisu tahay magaalo madaxda Puntland Garowe.

Dacwada ka dhanka ah oo Wasaarada Warfaafinta kasoo gudbisay Idaacada sahan oo nuqul kamid ah soo gaarey warsidaha Garowe Online ayaa Idaacadaan kusoo eedeysay sadex qodob oo kala ah; 1- In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August baaqato 2- in madaxtooyada Puntland ku baxo kharash farabadan 3- In kharash badan lagu soo kireeyey fanaaniin ka qayb gala xuska munaasabada 1 August. 4- In kooxda Al-shabaab raadineyso fursado ay ku weerarto degaanada Puntland.

Dacwadaan ayaa xeerilaaliyaha guud ee dowlada Puntland saaka u gudbiyey maxakamada iyada oo halkaas saaka la filayo in maxkamada dhageysigeeu ka bilowdo.

Ururka MAP ayaa garyaqaan u qabtey Idaacadaan iyaga oo ku sugan maxkamada Garowe iyadoo la filayo in dhowaan qabtaan warsaxafdeed ka hadlaya arinkaan.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona wararka la xiriira dacwadaan.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM