Wasaarada waxbarashada oo tababar u furtey 33 gabdhood

Image

January 12, 2015 (GO)- Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta 33 gabdhood oo ka kala yimid gobollada Nugaal, Mudug, Bari iyo Gardafuu u furtey tababar lagu baranayo macalinimada.

Maamulaha Jaamacada GTEC  ee Garowe Axmed Cabdiraxmaan Shiikh Doon oo ka hadlay furitaankii tababarka ayaa faah faahin kooban ka bixiyey  waxyaabaha lagu baran doono iyo muddada uu socon doono.

Wuxuuna sheegay in tababarku socon doono muddo labo sano ah isagoo xusay in gabdhaha fursadda u helay ka kala yimaadeen 13 dugsi oo isugu jira kuwo hoose/ dhexe iyo dugsiyo sare.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland Axmed Cabdi Cali oo isna goobta ka hadlaye ayaa sheegay inay muhiim tahay in gabdhaha labaro macalinimada maadaama taasi qayb libaax ka qaadan doonto hormarinta waxbarashada iyo qoyska labadaba.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo ugu dambeyntii goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay macalimiinta inay ka faa'iideysan fursaddan oo ah mid qaali ah isagoo sidoo kale sheegay in dowladda Puntland ay ka go'an tahay in la kobciyo waxbarashada gaar ahaan waxbarashada gabdhaha.

Gabdhaha tababarkan nasiibka u yeeshay oo Radio Garowe dareenkooda uga warbixiyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin fursadda la siiyey macluumaadka ay bartaanna dib ugula noqon doonaan goobihii ay ka yimaadeen bulshadana uga faa'iideyn doonaan.

Tababarkan waxaa iska kaashanaya hay'adda Relief International iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM