Wasaradaha Caafimaadka iyo Shaqaalaha oo Barlamanka hortegey

Image
Image
Image

November 11, 2014 (GO)- Iyadoo wali uu socdo la xisaabtanka wasaaradaha Puntland oo baarlamaanka usoo gudbinaya warbixino ku saabsan wax qabadkooda tobankii bilood ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa maanta Golaha hortegey Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Wasaarada Caafimaadka ayaa ku horeysey waxaana xildhibaanada hortooda ka akhriyey warbixin ku saabsan waxqabadka wasaarada Wasiir Saadiq Eenow  iyo  agaasimaha guud ee wasaarada Cabdirisaaq xirsi Xasan. Arimaha madaxda Wasaaradda Caafimaadka wax laga weydiiyey waxaa kamid ahaa qorshahooda ku aadan ka hortegista cudurka Ebola iyo weliba sidii adeegyada caafimaadka loo gaarsiin lahaa deegaanada fog fog.

Dhanka kale waxaa iyaduna maanta baarlamaanka hortimid Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Mas'uuliyiinta Wasaaradda ayaa sheegay in tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxyaabo badan u qabsameen, lagana xusi karo dhismaha ururada dhalinayarada, barnaamijo da'yarta shaqooyin loogu abuurayo iyo weliba horumarinta ciyaaraha.

Baarlamaanka Puntland oo ku jira kal-fadhigiisii 34aad waxaa maalmihii lasoo dhaafay sidan oo kale u horyimid islamarkaana waxqabadkooda ka warbixiyey wasaarado kamid yihiin: Wasaaradda Amniga, Wasaarada Cadaalada iyo Wasaarada Deegaanka iyo Duur-joogta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM