Wasaradaha Caafimaadka iyo Shaqaalaha oo Barlamanka hortegey

Image
Image
Image

November 11, 2014 (GO)- Iyadoo wali uu socdo la xisaabtanka wasaaradaha Puntland oo baarlamaanka usoo gudbinaya warbixino ku saabsan wax qabadkooda tobankii bilood ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa maanta Golaha hortegey Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Wasaarada Caafimaadka ayaa ku horeysey waxaana xildhibaanada hortooda ka akhriyey warbixin ku saabsan waxqabadka wasaarada Wasiir Saadiq Eenow  iyo  agaasimaha guud ee wasaarada Cabdirisaaq xirsi Xasan. Arimaha madaxda Wasaaradda Caafimaadka wax laga weydiiyey waxaa kamid ahaa qorshahooda ku aadan ka hortegista cudurka Ebola iyo weliba sidii adeegyada caafimaadka loo gaarsiin lahaa deegaanada fog fog.

Dhanka kale waxaa iyaduna maanta baarlamaanka hortimid Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Mas'uuliyiinta Wasaaradda ayaa sheegay in tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxyaabo badan u qabsameen, lagana xusi karo dhismaha ururada dhalinayarada, barnaamijo da'yarta shaqooyin loogu abuurayo iyo weliba horumarinta ciyaaraha.

Baarlamaanka Puntland oo ku jira kal-fadhigiisii 34aad waxaa maalmihii lasoo dhaafay sidan oo kale u horyimid islamarkaana waxqabadkooda ka warbixiyey wasaarado kamid yihiin: Wasaaradda Amniga, Wasaarada Cadaalada iyo Wasaarada Deegaanka iyo Duur-joogta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM