Wasaaradda Amniga oo amarro kusoo rogtay hoteelada Puntland [AKHRI]

Image

GAROWE, Puntland- Amar kasoo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu mamnuucay in shirar lagu qabsado hoteellada iyo meherada ku yaalla magaalooyinka Puntland.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka amniga Puntland oo ay wax ka ogtahay Madaxtooyada ayaa loogu goodiyay xarumahaas ganacsi inaan lagu qabsan karin shirar lagu dhaliilayo dowladda.

Waxaa amar la siiyay laamaha amniga, guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka kuwasoo la faray inay fushadaan howsha kaga aadan warqadan.

Ciddii jabisa amarkan ayaa qoraalkan lagu sheegay in sharciga lala tiigsan doono.

"Iyadoo ay maalmahan la qabanayay shirar qarsoodi ah oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgalyada shacabka Puntland, waxaa la farayaa dhammaan laamaha ay warqadani sida tooska ah ugu socoto inaan la qaban karin wax shirar siyaasadeed ah oo lagu khalkhal galinayo amniga Puntland," Ayaa lagu yiri warqadan.

Amarkaan ayaa soo baxay xilli magaalooyinka waaweyn ee Puntland lagu qabanayo kulamo looga soo horjeedo siyaasada Madaxweyne Gaas ku hagayo Puntland.

Shacabka Puntland ayaa ka cabanayo sicir barar, amni xumo, musuqmaasuq ragaadiyey hay'adaha dowlada iyo madaxda sare ee mamaulka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM