Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo yeelanaysa xarun cusub

Image
Image
Image
Image

June 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garowe ka dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Xaflad kooban oo loo qabtay dhagax dhiga xaruntaas ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiirro, agaasimayaal katirsan wasaaradaha Puntland qeybtood, haween, dhallinyaro , waxgarad iyo mas'uuliyiin kale , kuwaasi oo diyaar garow ugu jiray ka qeyb-galka munaasabadda dhagax dhiga.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in wasaarad kasta ay hesho deegaan wanaagsan oo ay ku shaqayso.

"waa muhiim inaan isku filaansho gaarno oo dhammaan hay'adaha dawliga ah helaan meelo munaasib ah oo ay ku shaqeeyan '' ayuu yiri.

Madaxweynaha  ayaa tilmaamay in barnaamijkaan uu kamid yahay Barnaamijka isku tashiga Puntland ee la qorsheeyey in shacabka iyo dawladuba iska kaashadaan dhismaha kaabayasha dhaqaalaha ee dalka , si loo gaaro horumar la taaban karo.

Qaar badan oo kamid ah wasaaradaha dowladda Puntland ayaa ku shaqeeya xarumo kiro ah, waxaana socda dadaal ku aaddan sidii dhammaan wasaaraduhu xarumo gaar ah u yeelan lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM