​Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo qabatay shir dib u eegsi ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay shir looga hadlayay waxyaabahii wasaaradda u qabsoomay lixdii Bilood ee lasoo dhaafay.

Shirkan oo ay markii ugu horaysay ka qayb galeen xubno ku cusub wasaaradda oo kamid yahay Wasiir ku-xigeenka dhawaan loo magacaabay, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray caqabadii soo wajahay wasaaradda iyo casharadii laga bartay.

Kulankan oo sannadkasta wasaaraddu qabato, ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay waxyaabah la hiigsanayo mustaqbalka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirasaaq Xirsi Xasan, ayaa xusay inay lixdii bilood ee ugu horeeyay sannadkan la qabtay waxyaabo badan isagoo sidoo kale soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ku cusub wasaaradda oo sheegay inay u taalo howl adag.

Wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda Caafimaadka Puntland, Dr. Cabdifataax oo furay kulanka ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay shirkan iyo ujeedada loo qabtay isagoo xusay inay muhiimtahay in la isla eego wax qabadka wasaaradda.

Kulanka waxaa sidoo kale joogay qaar kamid ah hay’adaha wadashaqaynta la leh wasaaradda caafimaadka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM