Wasaaradda Deegaanka Puntland oo gaadiid siisey afar degmo

Image

June 6, 2015 (GO)- Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa maanta gaadiid ku wareejisey afar degmo oo ka tirsan gobollada Karkaar, Nugaal, Mudug iyo Haylaan, kuwaasoo kala ah: Qardho, Eyl, Jarriiban iyo Dhahar.

Gawaaridan oo tiradoodu afar tahay islamarkaana noocoodu yahay Toyota Hilux waxaa ku deeqay Midowga Yurub oo soo marsiiyey Hay'adda Care International. 

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa kasoo qayb galay xafladd lagula kala wareegayey gaadiidkaas oo ka dhacday isla xarunta Wasaaradda Deegaanka.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Deegaanka Guuleed Saalax isagoo sheegay in gawaaridani hordhac u yahay kuwo badan oo loo qaybin doono degmooyinka. Wuxuuna intaas ku daray in afarta gaari ee maanta la bixiyey ay horay Wasaaradda Deegaanku u ballan qaadey.

Guddoomiyeyaasha gobollada Haylaan iyo Mudug oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Deegaanka, waxayna ballan qaadeen in gawaarida lagu wareejiyey ay dhaqaaleyn  doonaan islamarkaana looga faa'iideysan doono sida loogu talo galay.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM