Wasaaradda Gaadiidka Puntland oo bedeleysa taarikada baabuurta

Image

March 9, 2015 (GO)- Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland ayaa shaacisey in la bedeley taarikadii hore ee lagu xiri jirey gaadiidka.

Wasiir ku-xigeeka wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana oo Garowe shir-jaraa'id ku qabtey ayaa sheegay in taarikadii hore lagu bedeley mid cusub oo qaab ahaanna tii hore ka duwan.

"taarikadan waxaa lagu xirayaa baabuurta cusub ee xilligan dekedda kasoo degta, kuwii hore sidoodii ayey ahaaneysaa...taarikadan cusub waxay ka duwan tahay tii hore oo waxay ka kooban tahay lambarro iyo xuruuf isku jirta" ayuu yiri.

Dujaana oo la weydiiyey sababta xilligan kusoo beegtay bedelista taarikada, wuxuu ku sababeeyey labo arrimood oo kala ah: sugidda ammaanka iyo in gaadiidka duugga ah dadka lagu khaldin iyadoo laga dhigayo mid cusub.

In ka badan afartan kun oo gaari ayaa ka diiwaan gashan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland, waxaana dhacda in mararka qaar hal gaari isticmaalo taarikooyin badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM