Wasaaradda Gaadiidka Puntland oo bedeleysa taarikada baabuurta

Image

March 9, 2015 (GO)- Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland ayaa shaacisey in la bedeley taarikadii hore ee lagu xiri jirey gaadiidka.

Wasiir ku-xigeeka wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana oo Garowe shir-jaraa'id ku qabtey ayaa sheegay in taarikadii hore lagu bedeley mid cusub oo qaab ahaanna tii hore ka duwan.

"taarikadan waxaa lagu xirayaa baabuurta cusub ee xilligan dekedda kasoo degta, kuwii hore sidoodii ayey ahaaneysaa...taarikadan cusub waxay ka duwan tahay tii hore oo waxay ka kooban tahay lambarro iyo xuruuf isku jirta" ayuu yiri.

Dujaana oo la weydiiyey sababta xilligan kusoo beegtay bedelista taarikada, wuxuu ku sababeeyey labo arrimood oo kala ah: sugidda ammaanka iyo in gaadiidka duugga ah dadka lagu khaldin iyadoo laga dhigayo mid cusub.

In ka badan afartan kun oo gaari ayaa ka diiwaan gashan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland, waxaana dhacda in mararka qaar hal gaari isticmaalo taarikooyin badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM