Wasaaradda warfaafinta Puntland oo amartay in la xiro Idaacado

Image

16 September, 2015(GO)-War qoraal ah oo ka soo baxay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocadde ayaa lagu mamnuucay in la baahiyo Idaacadda Radio Muqdisho.

Qoraalka wasiirka ayaa lagu sheegay inaan la sii dayn karin Idaacado ay leeyihiin Maamullo kale, taasi oo wax u dhimaysa amniga iyo shuruucda Puntland.

Amarkan ayaa sidoo kala lagu war galiyay ururka suxfiyiinta Puntland MAP, dhammaan idaacadaha FM-ka, Taliyaasha qaybaha booliska gobaladda, Gudoomiyaasha gobaladda, xeer ilaaliyaha guud iyo madaxda Puntland sida Gaas iyo Camay.

Soocadde ayaa qoraalkiisa ku sheegay Idaacaddi fulin wayda amarkan in lagala noqon doon Ruqsada ku shaqaynta.

Puntland waxaa laga dhagaystaa Idaacado dhawr ah oo ay ka mid tahay, BBC, VOA, Radio Hiirad, Radio Ergo iyo kuwa kale, balse lama oga sababta Puntland u mamnuucday Radio Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM