Wasaaradda warfaafinta Puntland oo wariye shaqada ka joojisay

Image

11 November, 2015(GO)-Amar ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa shaqada looga joojiyay wariye Jamac Yuusuf Dabaraani oo ka hawl gala telefishinta Somali Channel ee magalada Garowe.

Waraaqdan ka hor ayaa wariyahaasi loogu hanjabay in shaqada laga joojinayo, iyadoo aysan jirin sabab rasmi ah oo kaliftay inuusan ka shaqayn gudaha Puntland.

Warqada wasaaradda kuma xusna eedaymaha loo haysto Debarani, waxaana falkaan imaanayaa xilli wasaaraddu waayadan ku kacaysay tallaabooyin lagu caburinayo saxaafadda Puntland.

Wariyaha shaqada laga joojiyay, ayaa dhawaan waraysiyo kala duwan ka qaaday mas'uuliyiin uu ka midyahay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade, kaasi oo sheegay in Khaatumo uu ku taageerayo Qabyaalad isagoo wasiir Puntland ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM